Nuur Maxamed Faqe Oo Afduub Ahaan Loogu Haaystay Shabeelada Hooose Oo Meydkiisa Laga Soo Helay Beerta Uu Xoogga Ku Haaysto Xuseen Mooryaan

Waxa goordhow lasoo qaaday Meydka Nuur Maxamed Faqe oo ka mid ah Wayeelada xoola dhaqata ee ku noolaa deegaanka Buulacadey ee duleedka Degmada Nambar 50.

Marxuumka oo habeen hore laga afduubtay  Beertiisa ayaa maanta lasooo helay Meydkiisa, waxaana uu yiilay Beer uu xoog ku haaysto Mooryaan lagu mgacaabo Xuseen Mooryaaan ka mid ah qabqablayaasha heshiiska la gashay Alshabaab.

Degmada Nambar oo la keenay meydka Marxuumka ayaa la wadaa sidii loo qaban qaabin lahaa aaskiisa, iyadoo dhinaca kale ay socdaan dadaalo ah in la xaqiijiyo shakhsiyaadka ka dambeeyey in nolosha ay dhaafiyaan Marxuum Nuur Maxamed Faqe.

Dilalka iyo Beegsiga ayaa ka mid ah dhaqamada foosha xun ee ay adeegsadaan Mooryaanta Habargidir iyo isbaheysigooda Alhsbaab, iyadoo la xusuusto dilalka, afduubka iyo dhaca aan kala go’a lahyen ee ay kula kacaan Shacabka aan hubeysney.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE