Wararkii Ugu Dambeeyey Dagaal Culus Oo Galabta Ka Dhacay Degmada Afgooye Ee Gobolka Shabeelada Hoose

Dagaal culus ayaa casir liiqii maanta waxa uu ka dhacay degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelada hoose oo ay maamulaan Maleeshiyaad ka amar qaata Wasaarada Gaashaandhigga xukuumadda Fedaraalka.

Dagaalka oo ay soo qaadeen Kooxda Alshabaab ayaa xoogiisa waxa uu ka dhacay xaafadda Buula-fooliyo oo xigta dhinaca Koonfur ee degmada wadada aada degaanda Mareeyey oo aan wax badan u jirin Afgooye.

Maleeshiyaada lasoo weeraray oo ay isbaaro u tiilay xaafada Buula-fooliyo ayaa si fudud lagu burburiyey difaacii ay ku sugnaayeen, Waxaana kooxda Shabaab u suuragashay in ay la wareegeen inta badan xaafada iyo meelaha ku dhow dhow.

Waxa lagu soo waramayaa in dagaalkii halkaasi ka dhacay uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo dhinac soo kala gaaray hase ahaatee ilaa hada lama xaqiijin inta uu gaarsiisanyahay khasaaraha.

Maamulka Gobolka Shabeelada hoose ayaa xaqiijiyey in Kooxda Alshabaab ay qabsadeen qeybo ka id ah Afgooye hase haatee waxa ay ka gaabsadeen in ay tafaasiil dheeraad ah ka bixiyaan weerarada Alshabaab ku qabsaneyso xaafadaha degmada Afgooye.

Warar caawa soo baxaya ayaa tilmaamaya in Alshabaab ay baneeyeen fariisimiyaashii ay galabta qabsadeen, iyadoo aanay jirn cid dagaal kula gashay goobihii ay ku sugnaayeen, iyagoo dib ugu laabtay wadada aada deegaanka Mareerey oo markii hore ay weerarka kasoo qaadeen.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open