Cabdulaahi Maxamed Kuule Oo Lagu Dilay Ceel-wareegow Iyo Dhac Loo Geystay Gurigiisa

Wararka a imaanay Deegaanka Ceelwareegow ee Gobolka Shabeelada hoose waxa xalay lagu dilay Mraxuum lagu magacaab Cabdulaahi Maxamed Kuulle oo ka mid ahaa dadka deegaanka.

Dilka Marxuumka oo dhacay xalay 11:25pm ayaa waxa ka dambeeyey isbaheyisga Maleeshiyada duur ku jirta ah ee Alshabaab iyo Mooryaanta Habargidir, waxaana marxuumka ay kusoo weerareen Gurigiisa oo ku yaalla meel dhinaca bari ka jirta Ceelwareegow.

Halka dilka uu ka dhacay ayaa ah Afootiga inta aan gudaha loo galin deexda, halkaas oo ay ku barakaceen dadkii laga guuriyey deegaanka, waxaana halkaas xalay lagu weerary Cabdulaahi Maxamed Kuulle oo ka mid ah Ganacsatada deegaanka.

Wararka kale ee la xiriira weerarka lagu qaaday Cabdulaahi Maxamed Kuulle Gurigiisa ayaa waxa ay sheegayaan in ay dhaceen wixii alaab ahaa ee yiilay Guriga iyo dukaan uu halkaasi ku lahaa islamaraakan ay qaateen alaabta, waxaana weerarkan qaaday Maleeshiyo gaareysa ilaa 15 oo afka soo duubtay.

Waxa la tuhunsanyahay in Maleeshiyada dhibaatada geystay ay kasoo baxeen dhinaca degmada Janaale, iyadoo markii Gaadiidkii lagu qaatay alaabta uu aaday dhinaca wadada aada Busley da’ud oo ay xoog ku haaystaan Alshabaab iyo Habargidir.

Ma jiro wax war ah oo  kasoo baxay Maamulka Deegaanka oo dibad joog ah iyo Saraakiisha Ciidamada deegaanka, iyadoo tani ay ka dhigantahay in mudda 48 saac gudahood Maleeshiyaadka Alshabaab iyo Mooryaanta Habargidir ay toogteen Ninkii labaad oo ka mid ah dadka deegaanka.

Allah u Naxriistee Cabdulaahi Maxamed Kuulle oo da’diisa lagu sheegay 31 sana jir ayaa horey uga mid ahaan jirey Ciidamada deegaanka, waxaana mar uu ku dhaawacmay dagaal Mooryaanta Habargidir looga xoreenayey deegaanka Ceelwareegow isagoo markii dambe bilaabay maareynta Nolosha qoyskiisa.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran