Ciidamada Jubbaladn Iyo Ciidamada AMISOM Oo La Wareegay Degmada Badhaadhe Ee Gobolka Jubada Hoose

Ciidamda Maamulka Jubbaland oo gacan ka helaya Ciidanka AMISOM iyo Ciidamo Caalami ah  ayaa Maanta la wareegay Degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose.

Dagaal Mudo kooban socday oo dhexmaray Ciidamada Jubbaland iyo kuwa AMISOM oo Iskaashanaya iyo Al-shabaab ayey ugu suuragashay Ciidanka Jubbaland iney kula wareegaan gacan ku haynta Degmada Badhaadhe oo ay Maamulayeen Al-shabaab, Dagaalka ayaa la sheegay inuu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh balse si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi

Xasan Aadan Maxamed oo ka tirsan Saraakiisha hogaaminaya Ciidamada Jubbaland ee  la wareegay Degmada Badhaadhe ayaa sheegay iney Degmadaasi kula wareegeen qorshe mudo dheer la diyaarinayey,wuxuuna tilmaamay in Al-shabaab ay kala dhuunteen markii ay ka war heleen Cududa ciidanka kusoo wajahan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE