Dagaalka Saxaafadda Mareekanka Iyo Donald Trump Oo Bilowday Iyo Saxaafadda Oo Soo Bandhigtay Cadeymo (Video)

Inta badan Saxaafada Caalamka gaar ahaan kuwa gudaha dalka Mareeykanka ayaa bilaabay dagaal dhiiga ku kiciyay madaxweynaha cusub ee dalka Mareeykanka Mr.Donald Trump kaas oo iminka hanjabaad cusub bilaabay .

Telefishinada gudaha dalka Mareeykanka ayaa soo bandhigay cadeeynta Muuqaalo ay soo aruuriyeen xiligii la caleemo saarayay Madaxweyne Barack Obama taas oo eheed 20-kii bishii Janaayo sanadkii 2009-kii , waxaana xafladii Caleemo saarkiisa ka soo qeeyb galay shacab aad u fara badan oo dhamaan soo buux dhaafiyay xarunta Washington iyo xaafadaha ku dhaw dhawba .

Caleemo saarkii sanadkaan loo sameeyay Madaxweyne Donald Trump oo isla goobtii ka dhacday 20-kii bishaan Janaayo 2017-ka ayay Saxaafada waxey ku sheegeen inay ka soo qeyb galeen dad yar oo Cunsuriyiin ah iyo dad kale oo ka shaqeeysta shirkadaha uu sida gaarka ah u leeyahay Donald Trump.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE