Dhageyso Maamulka Degmada Afgooye Oo Ka Warbixiyey Dagaalkii Alshabaab Ay Kusoo Qaaday Degmada

Maamulka Degmada Afgooye ee Gobolk a  Sh/Hoose ayaa ka hadlay khasaaraha ka dhashay weerar Al-shabaab ay shalay galinkii danbe kusoo qaadeen Degmada Afgooye.

Gudoomiye ku xigeenka Arimaha Bulshada ee Degmada Afgooye C/llaahi Xasan Cabdi ayaa sheegay in Al-shabaab ay  dagaalkii shalay ka dhacay Degmada Afgooye ay ku waxyeeleeyeen dadka shacabka ah wuxuuna xusay iney dileen Haweeneey Beeraleey ah isla markaane ay dhaaweceen 4 qof oo kale oo shacab ah.

Al-shabaab ayaa dhankooda sheegtay iney weerar qorsheysan ku qaadeen Magaalada Afgooye isla markaane ay gudaha u galeen Xaafadaha Degmada Afgooye kadibne ay si iskood ah uga bexeen sida ay hadalka u dhigeen.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE