Faafaahinno Kasoo Baxaya Qarax Weyn Oo Ka Dhacay Degmada Afgooye Ee Gobolka Shabeelada Hoose

Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa kusoo waramaya in halkaas uu ka dhacay qarax Weyn oo galaaftay nolosha dad badan.

Qaraxa oo la sheegay in uu ahaa miinooyinka dhulka lagu aaso ayaa waxa lala eegtay Maleeshiyaad ka amar qaata Wasaaradda Gaashaandhigga xukuumadda fedaraalka, waxaana halkaas ka dhashay khasaare isugu jira dhimaso iyo dhaawac.

Halka qaraxa Miinada lagu aasay ayaa lagu sheegay in ay ku taalla xaafadda Buula-fooliyo oo shalay gelinkii dambe muddo kooban ay la wareegeen kooxda Alshabaa, iyado faafaahin kala duwan ay kasoo baxayaan khasaaraha ka dhashay.

Maleeshiyada qarax lala eegtay ayaa xalay dhan u soo jeedey baqdin ay ka qabeen dagaal rogaal celis ah oo ay kusoo qaadaan Alshabaab, hase haatee saake aroortii ayaa markii ay galeen difaacyadooda oo hurdeen lagu qarxiyey Miinada horey goobta ugu sii dyaarsaneyd.

Inta la xaqiijiyey 10, askari ayaa ku geeriyootay qaraxa halka dhaawacu uu gaaraayo ilaa 5 kale, iyadoo weli aan lasoo sheegin khasaare soo gaaray dad shacab ah oo goobta ka gadhawaa, Maamulka Gobolka Shabeelada hoose ayaa ka gaabsaday in ay faafaahin ka bixiyeen weerarka Miinada ee ka dhacya degmada Afgooye.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE