Jaaliyada Somaliyeed Ee Finland Oo Taageero Iyo Hambalyo Kusoo Dhaweeyey Bilad Sharaftii Uu Qaatay Yaasiin Cabdi Raage (Sawiro)

Xafladan oo ahayd mid si heer sare ah loosoo agaasimay ayaa waxaa ka qaybgalay xubno aad u farabadan oo isugu jira arday, ganacsato, hogaamiyeyaasha dhaqanka, aqoonyahano, siyaasiyiin iyo dhamaan xubnaha jaaliyada somaliyeed ee Finland oo leh  rag iyo haweenba.’

Xafladan loogu hambalyeynayey Gudoomiye ku Xigeenka Ururka Midnimada Somaliyeed mudane Cabdiraxmaan Cabdi Raage oo loo yaqaano Yaasiiin Cabdi raage ayaa waxaa soo qaban qaabiyey Jaaliyada Somaliyeed ee wadanka Finland.

Guud Ahaan Qudbadihii Meesha laga Jeediyay aya ahaa kuwo lagu bogaadinayey (Hambalyeynayey) mudane Yaasiin Cabdi Raage biladii ay dowlada Finland gudoonsiisay. waxaa  qudbahihii ka mid ahaa Taariikh nololeedkii Yaasin Cabdi Raage iyo waxqabadkiisa.

Waxaa kunool dalkan Finland dad soomaaliyeed oo ah jaaliyadaha ku nool dalka finland dadka uugu badan marka laga reebo jaaliiyada dalka ruushka oo daris la ah dalkan finland . Soomaalidu waxay dalkan u soo qaxeen horaantii dagaaladii sokeeye 1990 dhamaad kiisii. tirada soomaalida ee dalkan ku nool ayaa ah ku dhawaad 17000.oo isugu jira caruur iyo dhalinyaro iyo waayeelba.Dalka finland waxa uu kuyaalaa cirifka waqooyi ee yurub waxa uu xad la leeyahay norwey,sweden iyo rushka. dadkiisu waa shan malyuun,waana dal uu aad ugu yaryahay ajinabigu guud ahaanba. soomaalidu waxay hada dagan tahay dalkaan mudo dhan 22 sanadood waxayna leeyihiin intooda badan shariciga dhalashada dalkaan finland.

Yaasiin waa aqoonyahan soomaaliyeed asal ahaana ka soo jeeda Muqdisho .waa raga hal doorka ah ee usoo muuqda mustaqbalka dhaw umada soomaaliyeed guud ahaan. marka laga reebo aqoontiisa waxbarasho iyo khibrad shaqaba waxa uu leeyahay hibo hogaan iyo fikir meel dheer wax ka arkid ah taasoo soomaalidu tiraahdo indheer arag ama indheer garad.Soomaaliya waxay u ciil qabtaa in ay mar uun aragto wadani leh aragti hogaan iyo midayn umadeed oo dadka ka rari kara meel abaar ah una rari kara meel leh biyo iyo baad,macnaha kasaari kara umada aragti gaabnida,isdhexyaaca,caadalad darada, kala shakiga, kala qoqobka,qaraabo kiilka, eexay siga,dib usocodnimada,hormar diidnimada, faqriga iyo walaalkii oo ah jahliga

Yaasiin Cabdi Raage  waxa uu kamid yahay dadka faro kutiriska ah ee ku guulaystay in uu heer ka gaaro nolasha dalkan isagoo kamid ah raacii hore ee soogalay sagaashameeyadii dalkaan finland. waa aqoonyahan waxbarashadiisii hore kadib wax kabartay oo sii siyaad saday aqoontiisii taasoo uu ka gaaray heer isla markaana uu ku mutaystay shaqo wanaagsan oo maamul kana muuqata bulshada dhexdeeda. waxa uu ku leeyahay sumacad wanaagsan oo shaqo bulshadan finishka ah iyo jaaliyada  soomaaliyeed labadaba kadib markuu usoo shaqeeyay wax muuqdana uu ka qabtay adeega bulsho labada dhanba gaar ahaan waxaa looga mahad sheegtaa toosinta iyo jihaynta dhalinayarada soomaaliyeed ee ku nool casimada iyo helsinki iyo nawaaxigeeda oo uu usameeyay nidaam iyo jihayn xaga mustaqbalkooda mid waxbarasho iyo mid ciyaaraba taasoo hoos u dhigtay danbiyada iyo suuq meeraysigii dhalinta soomaaliyeed ee ku nool dagaankan.

Arimahan waxa lagu siiyay Mudane aqoon yahan Yaasiin Cabdi Raage  abaal marin (BILAD SHARAF)ka imanaysa dhanka dalkan finland Bilada ayaa waxaa bixiya madaxweynaha wadanka waxaana loogu talagalay dadka bulshada wax u qabta waxna kusoo kordhiya bilada magaceeda waxaa la yiraahdaa SUOMEN VALKOISEN RUUSUN RITARIKUNNAN(FINLAND White Rose ORDER ).

Yaasiin Cabdi Raage wuxuu ku dhashay Magaalada muqdisho wuxuuna dugsigii hoosa,dhexe iyo sareba ku dhameeyey Muqdisho gurmadkii ka dib wuxuu bilaabay Jaamacadii Umada ma uusan dhameynin jaamacada ka dibna wuxuuna soo galay wadanka Finland 1990kii wuxuuna ka mid ahaa dadkii ugu horeeyey ee soo gala wadankan dadaal dheer ka dib wuxuu bartay Caafimaadka (Specializednurse) 17sano ayuu wuxuuna ka shaqeynayey Isbitaalka ugu weyn wadanka Finland ee ku yaala magaalada Helsinki.

Aqoon yahan Yaasiin ayaa wuxuu safaro shaqo ah u tagay Somaliland iyo Puntland isagoo aqoontiisa uga Faa’iideynaya bulshadiisa somaliyeed wuxuuna siminaaro siiyey ardayda barata caafimaadka sido kale wuxu ka qeyb ahaa la dagaalankii qaadka iyo tahriibka dhalinyarada.

Yaasiin Cabdi Raage wuxuu sidoo kale soo noqday xubin ka mid ah golaha deegaan magaalada Vanta isagoo ahaa 8 sano 1.1.21997-31.12.2004 xildhibaan ka dibna siyaasadii waa uu ka fariistay wuxuuna usoo jeedsaday sidii umadiisa somaliyeed ee ku nool wadankan Finland wax ugu qaban lahaa wuxuuna ku biiray ururkii Jaaliyada somaliyeed ee wadanka wuxuuna kasoo noqday Afhayeenkii ururka iyo gudoomiye ku xigeenkii wuxuuna waqtigiisa ku bixiyey waxqabad iyo horumarin dhalinyarada soo koreysa.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE