Maamulka Jubbaland Oo Gacanta Ku Dhigay Markab Uu Ku Rarnaa Hub Iyo Alaabo Kale

Maamul Goboleedka Jubbaland ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen Markab Ganacsi oo kusii xirtay degedda Magaalada Kismaayo kaas oo lagu dhex qariyey Koonteenar ay ka buuxaan hub.

Markabkan oo ka diiwaan gashay dalka South Afrika ayaa u rarnaa Ganacsade lagu magacaabo Cabdi Jamaal, waxaana saarnaa alaab badeecad ah oo iska lahaa Ganacsadaha hase haatee lagu dhex arkay hub Markabka saaran.

Mas’uul ka tirsan Maamulka Jubbaland ayaa warbaahinta u sheegay in Markan oo soo xirtay 22-kii janaayo oo ku beegneyd maalintii Axada in la ogaaday alaabaha uu wado in ay ku jiraan Koonteenar hub ah oo aan weli la ogeyn cidda iska leh.

Mas’uulka ayaa intaa raaciyey in hubkan la ogaaday markii la rabay dejinta badeecadda Markabka saaran, waxaana uu xaqiijiyey in xalay Ciidamada Maamulka Jubbland ay bilaabeen dejinta hubka.

Hubkan oo weli uu ka jiro tuhun cidda iska leh ayaa isugu jira qoryaha daran dooriga u dhaca iyo kuwa difaacyada lagu burburiyo, iyado sidoo kale ay jiraan rasaas lagu dhex arkay koonteenarka, sida Jiib gacmeed,  Sawanno, Quryaha dabajeexa iyo Bistoolado.

Lama sheegin sida uu Maamula Jubbaland ka yeeli doona cidda iska leh hubkan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE