Madaxweynaha Dalka Turkiga Oo Safaro Ku Maraayo Dalal Ku Yaal Qaaradda Afrika (Sawiro)

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa booqasho ku tagay magaalada Dare-salaam ee dalka Tanzania taasoo ah lugtii koowaad ee socdaal shan cisho qaadanaya oo uu ku marayo saddex dal oo Afrikaan ah.

Erdogan ayaa Magaalada Dar es Salaam kula kulmay dhigiisa Tanzania, John Magufuli, iyagoo ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ganacsi ee ka dhaxeeya labada dal.
Labada hogaamiye ayaa ku heshiiyey iney ka wada shaqeeyaan sidii labada dal ay u higsan lahaayen iskaashi ku dhisan dhinaca ganacsiga oo aad u qoto dheer.

Tanzania ayaa waxaa ku yaala 11 dugsi oo hoos-tagga wadaadka Fethullah Gulen waxaana Madaxweynaha Turkiga uu dhigiisa Tanzania si dhow ugala hadlay, sidii albaabada loogu laabi lahaa iskuuladaasi.

Madaxweynaha Turkiga, ayaa lugta labaad ee booqashadiisa ku tegi doona dalka Mozambique isagoo ugu dambeyn ka degi doona dalka Madagascar ee ku yaalla badweynta India.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE