Cida Hanan Karta Horyaalka Ingiriiska, Farqiga U Dhexeeya Van Gaal Iyo Jose Mourinho, Rikoorka Rooney Iyo Waxyaabihii Uu Ka Hadlay Sir Alex Ferguson

Macalinkii hore ee kooxda Manchester United ee Sir Alex Ferguson oo 26 sano kooxdaasi soo maamulayay ayaa BBC-da siiyay wareysi dheer uu kaga hadlayo rikoorka goolasha Wayne Rooney ee Manchester United, cida hanan karta horyaalka Premier league, farqiga u dhexeeya Chelsea iyo Manchester iyo waxaabo kale, wareysgaas oo faahfaahsan ayaa ahaa:

Fariga u dhexeeya Van Gaal iyo Jose “Jose Wuxuu qabanayaa shaqo cajiib ah halka Van Gaal uu qabtay shaqo fiican, waxaa muuqata in kooxda ay haatan u muuqat mid Jose Mourinho iyagoo wata falfasafada Manchester United, waxaa cad ineysan sahal aheyn ineysan sahal aheyn inuu qof la wareegay kooxdeydii uu sideeda ku sii wado”.

Dhismaha Kooxda Jose ee United ayuu ka hadlay macalinkaan wuxuuna xusay barbarihii uu la galay Burnley, Stoke ( 2 jeer ) West Ham wuxuuna yiri Ferguson: “Waxyar ayaan ka duwanaa Jose waxaas yarna waxay aheyd inaan doonayay inaan dhiso koox aay qeyb weyn ka yihiin da’yarta, sidaasi darteed kooxdii ugu horeysya ma aysan aheyn kuwa qabanayay shaqo fiican waxaana isku dayay inaan wax ka badalo, waana helay xal ka saxda ah”.

“Waxaan filayaa in Jose uu haatan helayo xalkii, waxaa jiray waqti uusan kala aqoon kooxda bilowgii xili ciyaareedkaan, waxaa muuqatay inuusa helin go’aanadii saxda ahaa marka la eego garsoorka, waxaa muuqatay inuu kululaanayay, haatan waad aragtaa, wuu dagay, wax waliba gacantiisa ayuu ku maamulaa”.

“Waxaa cad inaan qiimeyn ku sameynayo kooxdiisa haatan, waxaa ii muqata in kooxda ay tahay muraayad la isku eegi karo, sabtigii, kulankii Stoke, waxay si waliba u riixeen iney helaan ugu yaraan wax uun mana aysan ku qsaarin, ma aysan helin wixii ay mudnaayeen laakin waxay natiijo kula laabten kadib gool cajiib ah uu dhaliyay Rooney”.

“Miyaad aragtay waxa uu sameeyay ? wuxuu u cararay kubada, ma uusan dabaal degin, wuxuu tilmaamay in kubada lasoo qaado, wuxuu doonayay in guusha la raadiyo, taasi waa isbiiritka dhabta ah ee uu abuuray Jose”.

“Waxay ahaayeen kuwa nasiib daran, waxaad arki kartaa iney gaarsiisan yihiin heerkii dhabta ahaa ee kooxdaan laga rabay, waxaa helay kaliya nasiib daro, waxay la kulmeen lix barbaro oo min 1-1 ah, kulan waliba kooxda kasoo horjeedo weyn ka fiicnaayeen, hadii aysan barbarooyinkaas dhan gali laheyn waxay horyaalka kula tartami lahaayen Chelsea”.

 

Ugu danbeyn waxaa la jabiyay rikoorkii Sir Bobby Charlton ee 249 gool ahaa ee ka dhigayay goolhayihii ugu sareeyay taariikhda kooxda Manchester United ee soo taagnaa 44 sano waxaana ugu danbeyn jabiyay Rooney oo shabaqa ku soo taabtay kulankii Britannia Stadium.

Hadaba miyaa la jabin karaa rikoorkaas ? “Waqtigaan aan joogno, Iwey adag tahay in koox ay heysato ciyaariyahan mudo 10 sano ah, Jose wuxuu sheegay in Marcus Rashford uu jabin karo, waxaa jirto fursad weyn uu heysato da;yarkaan, hadii uu joogo United, uuna ka dhabeeyo balan qaadkiisa waayihiisa kubadeed ah si dii uu sameeyay Wayne waxaa cad in gaarista rikoorkaas ay tahay hami aad u weyn”.

Hanashada Horyaalka Premier league “Waxaan filayaa iney Chelsea heysato fursada ugu fiican ee hanashada horyaalka, waxay isku heystaan si fiican, weey adag tahay in lasoo qabto”.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE