Dhalinyaro Si Qasab Looga Soo Musaafuriyey Dalka Mareekanka Ayaa Laga Soo Dejiyey Muqdisho

Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa goor dhow waxa soo caga dhigatay Diyaarad gaar ah oo sidey dad laga soo musaafuriyey dalka Mareekanka.

Dadkan oo u badnaa dhaliyaro oo tira ahaan gaaraya ilaa 94 qof ayaa diyaaraddii sidey ay ku dejisay magaalada Nayroobi, waxaana halkaas laga soo saaray diyaarad ay iska leedahay Shirkadda diyaaradaha Jubba Airweys oo ka mid ah shirkadaha duulmiaadyada ku sameeya Soomaaliya iyo dalalka deriska.

Markii laga soo dejiyey Garoonka Aadan Cadde ayaa halkaas waxa ku sugayey saraakiin ka tirsan laanta socdaalka iyo jinsiyadaha dowlada Soomaaliya oo mid mid u yeerinaayey magaca muwaadinnta Soomaaliyeed si musaafuris ahaan looga soo qaaday dalka Mareekanka.

Dhalinyarada Soomaaliyeed oo markii hore ka cararay khalaalasaha iyo nolosha liitada ee dalka ka jirta ayaa qaab tahriib ahaan ku galay dalka Mareekanka, waxaana hey’adda socdaalka dalkaasi sheegtay iyadoo raaceysa shuruucda u degsan dib loo celinaayo tahriibayaasha.

Waxa loo diidey in la siiyo magangalyo ama in loo ogolaado in halkaasi ay u joogaan si qaxootinama, iyadoo arintan la sheegayo in ay wax badan ka ogtahay Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalka Mareekanka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE