Hey’adaha Amniga Oo Soo Bandhigay Dableydii Weerarka Ku Qaaday Hotel Dayax Ee Ku Yaalla Magaalada Muqdisho (Sawiro)

Hey’adaha Amaanka ee magaalada Muqdisho ayaa soo bandhigay Meydadka dableydii maanta weerarka ku qaaday Hotel Dayax oo ku yaalla wadada Sayidka aadaa Aqalka Madaxtooyada.

Dabley gaareysa ilaa shan ruux oo lagu dilay howlgalka lagu soo afjaray weerarka ayaa lagu soo bandhigay meel u dhow hotel Dayax, waxaana saraakiisha Amaanka ay sheegeen in ay ku hayaan baaritaan ku aadaan si loo ogaado halka ay ka yimaadeen.

Wasiirka Amniga ayaa xaqiijiyey in dableyda weerarka soo qaadey ay gaarayeen ilaa shan ruux mid ka mid ah uu is qarxiyey halka afartii kale ee weerarka soo qaaday lagu dilay inta uu soo socday howlgalka.

Hotel Dayax oo ka mid ah Hoteelada ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa waxa degenaa dad u badan siyaasiyiin iyo dad xilal ka haaya Dowlada fedaraalka iyo Maamul Goboleedyada dalka ka jira qaarkood, waxaana inta badan la badbaadiyey dhamaan siyaasiyiintii halkaasi ku sugnaa.

Kooxda Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka Hotel Dayax, iyagoo ku hanjabay in ay geysan doonaan weeraro kale oo hor leh.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE