Madaafiic Caawa Lagu Weeraray Magaalada Buula-mareer Ee Gobolka Shabeelada Hoose

Wararka caawanaga soo gaaraya Magaalada Buulamareer ee Gobolka Shabeelada hoose aya kusoo waramaya in xaafado ka mid ah degmadaasi lagu garaacay Madaafiic.

Madaafiicda oo la aaminsanyahay in laga tuurey dhinaca deegaanka Golweyn ee Bariga Buulo ayaa ku dhacay dhowr xaafadood, iyadoo ay geysteen khasaarooyin isugu jira dhimasho dhaawac.

Dad goob joogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay madaafiicda oo ahaa ilaa seddax madfac mid ka mid ah uu ku dhacay Guri ay degenyihiin dad shacab iyadoo khasaaraha qoyskaasi soo gaaray warara kala duwan ay kasoo baxayaan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Guriga uu ku dhacay Madfaca uu galaaftay nolosha guud ahaan qoyskii Guriga ku nool halka uu soo baxayo warar kaasi ka duwan oo isna sheegaya in hal haweeney kaliya ay geeriyooday.

Waxa kaloo jira madfac kale oo ku dhacay mid ak mid ah xaaadaha oo aan geysan wax khasaare ah, iyadoo markii la maqlay madaafiicda ay xaalda adag soo wajahday dad Shacabka ah ee ku dhaqan Buulamareer.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran