Madaxweynaha Puntland Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Maanta Kormeer Ku Tagay Deegaano Iyo Degmooyin Ay Ku Dhufteen Abaaro (Sawiro)

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti uu hogaaminayo ayaa safar shaqo oo kormeer ah ku tegey degaano ka tirsan Gobolka Bari kuwaas oo ay isugu soo hayaameen Dadka xoolo dhaqatada ah ee abaartu saameysay.

Ugu horayn Madaxweynaha iyo weftiga uu hogaaminayey ayaa si diiran loogu soo dhoweeyey Magaalada kob-dhexaad oo hoostagta degmada Ufayn ee Gobolka Bari, soo dhoweyn kadib Madaxweynaha ayaa dhagax dhigay cusbitaal ay yeelan doonto Magaaladaasi waxaana ay shacabka magaalada Kob-dhexaad cadeeyeen inay ku dhisidoonaan dhismaha cusbitaalka si iskaa wax u qabso ah tasoo ay sheegeen in ay ka miradhaliyeen hal-kudhigii madaxweynaha ee ahaa Puntland ha isku tashato.

Intaasi kadib Madaweynaha iyo weftigiisa ayaa u soo kicitimay Dhanka Magaalada Dharoor oo ka tirsan Degmada Isku-Shuban ee gobolka Bari waxaana uu madaxweynuhu Soo kormeeray ceel biyood laga qodayo Magaalada Dharoor isla markaana ay hir gelinaysey Maamulka Puntland.

Dhinaca kale Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa waxa ay u soo kicitimeen Degmada Isku-shuban ee gobolka bari waxaana ay shacabka magaaladaasi si diiran u soo dhoweyeen madaxweynaha iyo weftiga uu hogaaminayey, soo dhoweyn kadib madaxweynaha ayaa layeeshay maamulka iyo waxgaradka degmada kulan is xog-waraysi ah waxaana ay uga warbixiyeen xaalada guud ee degmada iyo degaanada hoos yimaada.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE