Nabadoon Caan Ah Oo Caawa Lagu Dhaawacay Magaalada Boosaaso Ee Xarunta Goblka Bari

Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa caawa waxa lagu weeraray mid ka mid ah Nabadoonada Caanka ah ee magaalada.

Dabley ku hubeysan Bistoolado  ayaa Nabadoonka oo lagu magacaabi jirey Nabadoon Muuse Xaaji Farax ku toogtay meel ku dhow Hotel Yaasmiin oo ka mid ah hoteelada waa weyn ee Boosaaso ku yaalla.

Nabadoon Yaasiin oo dableyda ay ku dhufteen ilaa seddax xabo ayaa waxa soo gaaray dhaawac halis, waxaana loola cararay isbitaalka magaalada iyadoo xaaladiisa caafimaad aad ay halis ku jirto.

Dableyda hubeysan ayaa goobta ka baxasaday mana jirin cid daba gashay raadka ama wadada ay ku baxsadeen.

Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa waxa kusoo badanaya dilalka qorsheysan ee ay fulinayaan kooxo bistoolado ku hubeysan, waxaana muuqata in Maamula Puntland uu faraha kasi bixinayo amaanka magaalad

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran