Seddax Qof Oo Siyaabooyin Kala Duawan Maanta Loogu Dilay Duleedka Degmada Afgooye

Wararka ka imaanaya duleedka degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa sheegaya in maanta seddax qof siyaabooyin kala duwan dil loogu geystay.

Gaari nooca yar yar ee lagu magacaabo Kaarib oo ka yimid dhinaca deegaanka Muuri ayaa la rasaaseeyey marka uu maraayey Garas-naasir u dhaxeysa Muuri iyo xerada Laanta Buuro hase ahaatee gaarigaas ayaa ka badbaaday weerarka.

Maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab ayaa markii uu badbaday ka dib u galay deegaanka Cadow-dibille, Gaarigaas oo ay saarmaayeen ilaa seddxa qof ayaa laba ka mid ah ay ka carareen, waxaana ku haray hal qof oo loogu ymid gaariga kaas oo goobta lagu dilay lana qaatay Gaariga.

Dhacdada labaad oo lagu dilay laba qof oo kale ayaa ka dhacday isla goobtaas, Mooto ka timid dhinaca Afgooye oo ay saarnaayeen ilaa seddax qof oo laba ka mid ah ay ahaayeen Ganacsatada Geelka kala iibisa ayaa lagala degay Mootada, iyadoo la fasaxay darawalkii Mootada watay.

Seddaxda qof oo laba ka mid ah lagala degay Mooto iyo hal nin Gaari Kaarib ah lagala degay ayaa kasoo jeeda deegaanka, waxaana ay ka mid ahaayeen shacabka aan hubeysneyn ee wadadaaasi isticmaala.

Maleeshiyada Alshabaab iyo Mooryaanta arxan laabayaasha ee Habargidir ayaa looga bartay in ay dilal cabsi gelin ah u geystaan dadka deegaanka ee Beesha Biimaal, waxaana ay dib u bilaabeen hal baxsiga iyo ugaarsiga Maatida aan hubeysney.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE