Warsaxaafadeed Si Wada Jir Ah Ay Usoo Saareen Xisbiyada Somaliland Iyo Gudiga Doorashooyinka Oo Dib Loogu Dhigay Doorashada (Sawiro)

Shir ay wada yeesheen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Guddida Doorashooyinka Qaranka, Saddexda Xisbi Qaran ee Kulmiye, Waddani iyo UCID, oo lagaga arrinsanyo muddaynta Doorashooyinka Madaxtooyada, Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deeganka.

Falanqayn iyo dood dheer ka dib, waxa si wada jir ah la isugu raacay qodobaddan hoos ku xusan:
1. In Doorashada Madaxtooyada ee hadda dib u dhacday abaaraha baahsan awgeed, la qabto taariikhdu marka ay tahay 10/10/2017.

2. In Doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka ay qabsoomaan isku wakhti, taariikhdu marka ay tahay 10/10/2018.
Saxeexayaasha:
1. Mudane, Faysal Cali Xuseen-Guddoomiyaha Xisbiga UCID

2. Mudane, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi-Guddoomiyaha Xisbiga Waddani

3. Mudane, Muuse Biixi Cabdi-Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye

4. Mudane, Cabdiqaadir Iiman Warsame-(Goob joog)
Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Qaranka

Allaa Mahad Leh,

Axmed Maxamed Silanyo
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 9 11

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open