Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Oo Ka Warbixiyey Weerarkii Maanta Lagu Qaaday Hotel Dayax

Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo gaaray Hotel Dayax oo Maanta Al-shabaab ay weerar qorsheysan ku qaadeen ayaa sheegay in Ciidamada Ammaanka Hotelka ay ka hortageen in Al-shabaab ay gudaha u galaan Hotel Dayax..

C/risaaq Cumar Maxamed Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  oo warbaahinta siiyey qiimayn horudhac ah ayaa sheegay in Qaraxyada ay ku dhinteen 10 ruux,wuxuuna tilmaamay in Cisbitaalada Magaalada Muqdisho la dhigay 51 qof oo dhaawacyo kala duwan qaba.

Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay Odayaal dhaqameed caan ka ah Gobolada Baay iyo Bakool waxaana kamid ah Malaaq Malaboow Isaaq Xasan iyo Malaaq C/rashiid,waxaa sidoo kale ku dhaawacmay 3 Malaaq oo kale.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran