Alshabaab Oo Gobolka Baay Ku Toogtay Seddax Nin Oo Ay Ku Eedeeyeen Jawaasii

Kooxda Al-shabaab ayaa goob fagaare ah oo ku taalla Gobolka Baay ku dishay 3 Nin oo ay sheegeen iney Jaajuus u yihiin Wadamo Shisheeye.

Al-shabaab ayaa deegaanka Yaaq-Baraawe ee Gobolka Baay  waxa ay ku toogteen C/llaahi Daameey Maxamed Nuur oo 36 jir ah, Maxamed Shariif Cali oo 21 jir ah iyo Maxamed Iimaan Xasan oo 42 jir ah kuwaasoo ay ku eedeeyeen iney Jaajuus yihiin.

Maxkamada Al-shabaab ay sheegtay in raggan la dilay ay qirteen iney la shaqayn jireen Sirdoonka Wadamada Soomaaliya, Maraykanka iyo Kenya, waxaana maxkamada kooxda ay fagaaraha kaga dhawaaqday xukunka ragaas oo ay ku sheegtay dil toogasho.

Maahan markii ugu horeysay oo Alshabaab fagaarayaan ku yaalla deegaanada ay  maamulaan ay ku toogtaan dad ay ku eedeenayaan fal dambiyeedyo kala duwan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open