Barnaamija Xiisa Badan Oo Lagu Falan Qeeyey Danaha Dowladaha Shisheeye Ay Ka Leeyihiin Soomaaliya (Video)

Soomaaliya ayaa Xiligan isku Diyaarinaysa Doorashada Madaxwaynaha Soomaaliya, waxaana Halkan Idiinku soo Gudbinaynaa Barnaamij Diirada lagu saaray Saamaynta Faragelinta Shisheeye ee Doorashooyinka Iyadoo Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika ay si toos ah ugu Jiraan Faragelinta Soomaaliya, kuwaasi oo Dawladda ka Caawiya Arimo ay kamid yihiin Dhaqaalaha, Siyaasadda iyo Ciidanka.

Sidoo kale Barnaamijka Xogta Daahsoon ee ka baxa Tv-ga Somali Cable ayaa Diirada lagu saaray Danaha ay Soomaaliya ka leeyihiin Wadamada Ingiriiska, Itoobiya, Sweden, Kenya, Turkiga, Maraykanka Iyo Imaaraadka Carabta ayaa kamid ah Wadamada doonaya inuu Hogaanka Soomaaliya Qabto Qof ay Shukaanta u qaban karaan, Iyadoo Wadamadan danahooda gaarka ah yihiin kuwa kala duwan.

Barnaamijka ayaa waxaa ka qayb galay Am. Maxamed Xuseen Awliyo iyo Cabdi Cumar oo Falanqeeya Arimaha Siyaasadda, waxaana Soo jeedinaya Wariye Maxamed Maxamuud Dhoore.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE