Celta Vigo Oo Si Rasmi Ah U Soo Gabagabasyay Riyadii Saddexda Koob Ee Real Madrid

Kooxda Real Madrid ee dalka Spain ayaa xalay gabi ahaanba laga soo reebay Tartanka Koobka Boqorka dalka Spain ee Copa  Del Rey kadib markii ay barbar dhac la gashay Kooxda Celta  Vigo.

Real Madrid ayaa lugtii hore ee Copa Del Rey waxaa looga soo adkaaday 2-1,Ciyaartii xalay ayaa ku dhammaatay 2-2 waxaana ay taasi ka dhigan tahay in Real Madrid looga adkaaday 4-3 isku celcelin ahaan labada lugood.

Tababare Zidane oo ciyaarta kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu niyad jabsan yahay wuxuuna tilmaamay in Xidigihiisu ay si wanaagsan u ciyaareen isla markaane hadii ay waqti yar heli lahaayeen ay soo gudbi lahaayeen.

Real Madrid ayaa si wayn uga shaqaynaysay sidii ay natiijada dhinaca kale ugu dhigi lahayd laakiin qaab ciyaareedka iyo qorshaha Celta Vigo ayaa ahaa mid cad waxayna doonayeen in ay difaacdaan markasta oo ay Real  Madrid kubbada haysato halka marka ay kubbada helaan ay qaadeen weerar deg deg ah si ay goolal u raadiyaan.

Laakiin wax kasta oo ay Real Madrid samaysay iyo dadaalkeeda ay ku doonaysay in ay Celta Vigo dhibaato wayn ugu abuurto ayaan qaybtii h–e ee kulankan noqon mid shaqeeyay wuxuuna Zidane waqtigii nashada kooxdiisa qolka labiska ugu tagay iyada oo xalaadu ka sii xumaatay sidii h–e waxanaa lagu kala nastay 1:0 ay Celta Vigo hogaanka ciyaarta ku haysay taas oo la micno ahayd in ay celcelis ahaan labada kulan hogaanka ku haysay 3:1.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE