Dhageyso C/raxmaan Faroole “Muqdisho Waxay Aheyd Magaalo Soomaaliyeed, Haleys Ku Raadiyo Dadkii Ka Qaxay”

Qaar kamid ah Xildhibaanada Labada Aqal ee dalka Soomaaliya ayaa ka qaybgalay kulan looga hadlayey Maqaamka Magaalada Muqdisho.

Madaxweynihii hore ee Puntland hadane ah Musharax u taagan xilka Madaxweyne ee dalka C/raxmaan SH Maxamed Faroole ayaa kulanka ka jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysa,wuxuuna ku baaqay in wanaaga laga wada shaqeeyo,Dowladda Imaanaysa ayuu sheegay iney tahay dowlad dib u heshiineed.

C/raxmaan Faroole ayaa tilmaamay in Muqdisho ay ahayd Magaalo Soomaaliyeed oo qaran oo la wada dagan yahay balse hadeer lagu kala guuray cid kaliyane ay u badan tahay,Wuxuuna tilmaamay in Maamulka Gobolka Banaadir looga fadhiyo sidii ay dib ugu soo celin lahaayeen guryahoodana loogu celin lahaa dadkii colaadaha dartood uga qaxay Muqdisho.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE