Gudiga Doorashooyinka Oo Maanta Biilaabaya Diiwaan Gelinta Musharxiinta Xilka Madxaweynaha

Diiwaangalinta Musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta ka bilaabanaysa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Sida ay shaaciyeen Gudiga Qaban-qaabada Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya Maanta oo Khamiis ah waxaa la gudagalayaa Diiwaangalinta Musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya taasoo soconeysa ilaa Maalinta Axada ah ee 29ka bishan.

Gudiga Qaban-qaabada Doorashada Madaxweynaha dalka oo shalay soo saaray Jadwalka Doorashada Madaxweynaha ayaa waxa ay asteeyeen in 8 Bisha Feb. la dooran doono Madaxweynaha dalka.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE