Musharaxii Ugu Horeeyey Ee Iska Diiwaan Geliyey Gudiga Doorashooyinkii, Booqdayna Dhaawacyada Isbitaal Madiina Ee Ku Waxyeeloobay Weerarkii Hotel Dayax (Sawiro)

Musharax Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta iska diiwaan geliyey Gudiga doorashooyinka oo xarunta Villa Hargeysa ka bilaabay diiwaan gelinta Musharxiinta dooneysa inay u tartamaan doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Shariif oo tagay xarunta diiwaan gelinta doorashooyinka ayaa buuxiyey dhamaan shuruudihii laga doonayey musharxiinta ka qeyb galeysa tartanka doorashada Madaxtimo ee dalka.

Markii uu isa soo diiwaan geliyey ayuu Sheekh Shariif Booqday Hotel Dayax oo shalay weeraro ismiidaamin iyo mid toos ah ay ku qaadeen dabley ka tirsan kooxda Alshabaab, waxaana uu kormeerey burburka dhismaha hotelka kasoo gaaray weerarka.

Dhinaca kale dhaawacyada ku jira Isbitaal Madiina ee magaalada Muqdisho ayuu Musharax Madaxweyne booqdey isagoo mid mid u dul istaagay dhaawacyada ku waxyeeloobayo qaraxayada Hotel Dayax.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE