Prof Cali Maxamed Geedi Oo Ku Dhawaaqay In Uu Ka Haray Tartanka Musharxiinta Madaxtinimo Ee Soomaaliya

Raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa maanta ku dhawaaqey in uu isaga harey tartanka kursiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee dhacaysa 8 febaraayo 2017.

Mudnaasabad ka dhacdey Hotel City Place ayuu uga dhawaaqey Geedi tanaasulkiisa, waxaana ka hadley munsaabaddaas qaar kamid ahaa taageerayaashiisa.

Sababta ayuu sheegay in Musharixiintu ay yihiin kuwo aad u badan loona baahan yahay in ay isu tanaasulaan. Wararku waxay sheegayaan in uu u tanaasuley Musharax Cabdulqaadir Cosoble oo goobta uu tanaasulka kaga dhawaaqey ku sugnaa.

Waxa suura gal ah in musharaxiin badan oo horey u shaaciyey in ay u taagnyihiin tartanka Madaxweynaha ay isaga hari doonaan guud ahaan u tartamidda jagada Madaxweynaha, waxaana la ogaan karin sababaha ka dambeeya tanaasulkooda marka laga reebo in hadalada ay fagaarayaasha ka sheegaan.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE