Wararkii Ugu Dambeeyey Kooxda Alshabaab Oo Xalay Madaafiic Ku Garaacday Deegaanka Buulamareer Ee Gobolka Shabeelada Hoose

Deegaanka Buula-mareer Ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa xalay waxa lagu weeraray madaafiic dhowr ah oo ku dhacday qeybo ka mid ah deegaankaasi.

Ilaa seddax madaafiic ayaa dadka deegaanku ay sheegeen in ay maqleen jugtooda kuwaas oo loo maleenayo in laga soo tuurey dhinaca bari ee deegaanka Golweyn halkaas oo si buuxda ay u maamulaan dagaalyahaanada kooxda Alshabaab.

Inta la xaqiijiyey hal haweeney ayaa ku geeriyootay Madaafiicda sidoo kalana haweyn kale ayaa ku dhaawacantay sida ay noo xaqiijiyey dad goob joogayaal ah oo Buul-amareer ku dhaqan, iyadoo xaalada deegaanka ay aad u kacsanedyd xilligii madaafiicda la maqlay.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya sababta ka dambeysa in madaafiic lagu weeraro deegaanka Buula-mareer oo ka mid ahaa meelaha ay sida dad ban u maamulaan kooxda Shabaab, waxaana jira hadal heyn kala duwan oo soo baxeysa.

Waxaan idin soo gudbin doonaa xog kala duwan oo aan idin kaga soo aruurinay sababta Maleeshiyada Shabaab ku kaliftay in ay madaafiic ku weeraraan Deegaanka buulamareer

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE