Alshabaab Oo Weerar Ku Qaaday Deegaanka Kolbiyow Ee Gobolka Jubada Hoose

Dagaalyahaano tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa weerar waxay ku qaadeen  deegaanka Kulbiyow  ee Gobolka Jubada Hoose halkaa oo ay ku weerareen ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ee AMISOM.

Dagaalkaa oo cuslaa ayaa goob jooge halkaasi ku sugan wuxuu Warbaahinta u  sheegay  in kooxda al-Shabaab weerarka ay ku bilowday laba gaari oo is qarxin ah, ka dibna waxa xigay weerar toos ah oo loo adeegsaday rasaas cul culus.

Waxa jira warar soo baxaya oo sheegaya in Maleeshiyada kooxda Alshabaab ay gudahau galeen xero deegaanka Kulbiyow halkaas oo Ciidamada Kenya  ay fariisin ku leeyihiin, Weerarkaa ayaa aad u u xooganaa,  mana la sheegin in ilaa imin Maleeshiyada ay qabsadeen xerada iyo kale.

Dhinaca kale  Idaacada  ku hadasha Afka Shabaab Andalus ayaa si hordhac ah u baahisay in dagaalkaasi lagu dilay 57 askari oo Kenyaati ah,  Sidoo kale Idaacadd Andalus ayaa intaasi ku dartay in ciidamada Shabaab gacanta ku dhigeen waxa ay ugu yareeneen Qaniimo fara badan sida keydkii hubka ee ciidamada Kenya iyo tobaneeya gaadiid dagaal ah.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran