Dhageyso Egeyga Gaarka Ah Ee Qaramada Midoobe Ee Soomaaliya Oo Ka Digay In La Musuqmaasuqo Doorashada Madaxweynaha

Ergyaga gaarka ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating ayaa sheegay inay muhiim tahay in doorashada madaxweynaha Somalia ee bisha danbe dhici donta ay noqoto mid ku dhacda si xor iyo xalaal ah oo aan lahayn musuq-maasuq.

Mr Keating oo VOA wareysi siiyay isagoo ku sugna magaalada New York ayaa sheegay in haddi madaxweynaha lagu doorto qaab sharci-darro ah ay jiridoonto cawaaqib uu la kulmi doono marka la eego sida ay Beesha caalamku ula shaqeyn doonto.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE