Gudoomiyihii Deegaanka Kulbiyow Oo Ku Dhintay Weerarkii Saake Lagu Qaaday Xerada Ciidamada Kenya

Gudoomiyaha deegaanka Kulbiyow ee Gobolka jubada hoose Maxamed Tooxyare iyo askar ka tirsan Ciidamada Maamuka jubbaland ayaa ku geeriyooday weerarkii aroornimadii maanta lagu qaaday Kulbiyow.

Weerarka oo ku bilowday qaraxyo loo adeegsaday Gaadiid ayaa ka dib waxa weerar toos ah xerada Ciidamada Kenya ku qaaday Maleeshiyaad boqolaal gaaraya oo ka tirsan kooxda Alshabaab.

Sarkaal ka tirsan Maamulka Jubbaland ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in Ciidamo ku sugnaa xerada Kenyaatiga iyo Gudoomiyaha deegaanka Maxamed Tooxyare ay ku geeryoodeen weerarka, sarkaal faafhin dheeri ah kama bixin khasaaraha kale ee ka dhashay weerarka.

Waxa kaloo jira warar sheegaya in dagaalkii cuslaa ee maanta ka dhacay deegaanka Kulbiyow ay ku geeriyoodeen dad shacab ah oo ag dhawaa halka weerarka uu ka dhacay, mana la xaqiijin tirada Shacabka ah.

Saraakiisha Ciidamada Kenya ayaa beenisay sheegada kooxda Alshabaab ee ay ku sheegteen in weerarkii maanta ay ku dileen ku dhawaad lexdan askari ayna kula wareegeen keydkii hubka ee Xerada ay ku lahaayeen Ciidama.

Ciidamada Kenya ayaa dib ugu laabtay saldhigii saake weerarka xoogan uu ku qabsaday ka dib markii ay isaga baxeen Maleeshiyada kooxda Alshabaab.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE