Madaxweynaha La Doortay Ee Dalka Gambia Oo Dib Ugu Laabtay Dalkiisa (Sawiro)

Madaxweynaha ay soo doorteen Shacabka dalka Gambia ayaa dib ugu laabtay dalkiisa ka dib markii dalkaasi uu isaga baxay Madaxweynhii doorashada looga guuleystay.

Aadam Barow oo ku sugnaa dalka Senegal ayaa la dhaariyey, waxaana safarkii uu ku tagay Gambia ku wehliyey Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Galbeedka Afrika iyo Saraakiil kale.

Shacab aad u tira badan ayaa Madaxweynaha Cusub kusoo dhaweeyey Caasimadda dalkaasi ee Banjul, waxaana lagu wadaa in uu la wareego xilka uu baneeyey Madaxweynihii hore ee dalkaasi Yaxye Jaamah oo dowladaha Gobolka ay ka dalbadeen in uu isaga dego xilka uu hayey muddo 22 sano ah.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open