Muddo Sanad Ah Wabiga Shabelle Oo Biyihii Laga Waayey Markii Labaad Iyo Beeraleyda Khudaarta Oo Tacab Beeley (Sawiro)

Wabiga Shabelle oo mara dhul badan oo ku yaala Gobolada dalka qaarkood ayaa iminka waxa soo wajahday biya la’aan ka dib markii ay gureen Biyaha Wabiga.

Gobolada Hiiraan iyo Shabeelooyinka ayaa Beeraleyda ku dhaqan waxay xilligan wajahayaan baa’ba ku yimid dalagii ay beerteen xilligan gaar ahaa Khudaarta, iyadoo inta badan deegaanada Wabiga uu maro lagu howlanaa tacabka Khudaarta oo ka mid ah Miraha aadka looga isticmaalo dalka.

Inkastoo dhulka Soomaalida gaar ahaan Gobolada uu maro Wabiga Shabelle aanu laheyn Biya xireeno lagu keydiyo Biyaha, si marka uu wabigu Biya yareeyo ay u isticmaalaan Beeraleyda Khudaarta iyo kuwa Muuska.

Lama oga sababta ka dambeysa in Wabiga Shabelle uu xilligan biya yareeyo, waxaana tani loo aaneynayaa in dowlada Itobiya ay dalkeeda ka dhisatay Biya Xireeno lagu keydiyo Biyaha, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulada Gobolada uu maro Wabiga iyo Wasaaada Beeraha dowlada Fedaraalka oo ku saabsan sababta Biyaha Wabiga yareysay.

Bishii Maarso sanadii aynu kasoo gudubnay wabga shabelle ayaa guud ahaan Biya yareeyey,waxaana xilligaas saameyn badan u ku yeeshay dalligii xilligaasi dhulka ku beernaa.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE