Daacishta Soomaaliya Oo Ku Dhawaad Toban Qof Ku Afduubtay Deegaanada Puntland

Wararka aan ka heleyno gobolka Bari ayaa sheegaya in ciidamo  ka tirsan yihiin kooxda Daacish ay dad rakaab ah kala dageen gaari ku sii jeeday magaalada Boosaaso xarunta Gobolka Bari.

Ciidamada oo lagu qiyaasay ilaa 50 askari oo afka u duubnaa ayaa dadkaan ku qabsaday deegaan ku dhow magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, waxaana la sheegay in ku dhawaad sagaal ruux ay gaariga kala dageen.

Shan kamid ah dadka gaariga lagala dagay ayaa kamid ahaa askarta maamulka Puntland, waxayna ka baxsadeen gacanta kooxda , iyaga oo tagay degmada Qandala ee Gobolka Bari.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ilaa iyo hadda nolol iyo geeri lagu la’ yahay ilaa afar ruux oo kamid ah dadkii gaariga lagala dagay.

Waxaa socdo dhaqdhaqaaqyo iyo dadaalo la doonayo in dadkaasi lagu soo daayo, oo ay wadaan Ciidamo qaab beeleed u abaabulan iyo ciidamada difaaca maamulka Puntland.

Waa markii ugu horeysay oo koox Daacish ka tirsan kuna sugan gudaha Soomaaliya ay dad ku afduubtaan deegaanada Puntland.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE