Dowlada Kenya Oo Qiratey In Askar Looga Laayey Dagaalkii Kulbiyow, Warna Kasoo Saartay Tirada Alshabaa Ay Kaga Dileen Dagaalka

Dowladda Wadanka Kenya ayaa war rasmi ah kasoo saartay weerarkii Al-shabaab ay shalay ku qaadeen Fariisinkooda Deegaanka Kulbiyow ee Gobolka Jubbada Hoose.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Difaaca dalka Kenya ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidanka Kenya ay iska difaaceen weerar ay Al-shabaab ku soo qaadeen Xeradooda ku taalla Deegaanka Kulbiyow,Kenya ayaa sheegtay in 9 Askari lagaga dilay dagaalkaasi isla markaane ay A-shabaab ka dileen 70 Dagaalame.

Waa laba sheegasho oo kala duwan, sheegasha Alshabaab ee weerarkii shalay ayey ku sheegteen in ku dhawaad lexdan askari ay ku dileen weerarka, iyadoo dhinaca kale dowlada Kenya ay beenisay warkaas sheegteyn in todobaatan askar ay ka dihleen kooxda Alshabaab.

Xaalada deegaanka kulniyow ee Gobolka jubada hoose ayaa saaka degen, waxaana ku sugan ciidamada dowladda Kenya oo qeybta howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM iyo ciidamada maamulka Jubbaland.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran