Deg Deg Dagaal Culus Oo Caawa Ka Socda Degmada Afgooye Ee Gobolka Shabeelada Hoose

Wararka caawa naga soo gaaraya degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa kusoo waramaya in dagaal culus halkaas uu ka socdo.

Dagaalka oo loo maleenayo in ay soo qaadeen Maleeshiyada kooxda Alshabaab Ayaa hada waxa ka socdaa ilaa dhowr xaafadood oo Afgooye ku yaalla, waxaana ka mid ah Baal-Gure, Raqayle, Mukayga Iyo Sagaalaad.

Dagaalka ayaa xoogiisa waxa uu ka socdaa Xaafadda Mukayga, waxaana halkaas lagu weeraray Ciidamo ka tirsan kuwo Wasaaradda Gaashaandhigga iyadoo ilaa hada aan la ogaan khasaaraha dagaalka uu sababay, maadaama jawiga uu yahay xilli habeen ah.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran