Dhageyso Gudiga Qaban Qaabada Doorashada Madaxweynaha Oo Ku Dhawaaqay Xilliga Lasoo Gabagabeenayo Diiwaangelinta Musharxiinta

Gudiga Qaban-qaabada Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay iney maanta soo gabagabaynayaan diiwaangalinta Musharixiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha dalka.

Xildhibaan C/raxmaan Ducaale Bayle oo ah Gudoomiyaha Gudiga Qaban-qaabada Doorashada Madaxweynaha ayaa sheegay in 5-ta galabnimo ee Maanta lasoo gabagabeenayo diiwaangalinta Musharixiinta u taagan xilka Madaxweyne.

C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa ugu baaqay Musharixiinta dhiman iney ka faa’iideystaan waqtiga kooban ee ka haray xilliga loo qabtay diiwaangalinta Musharixiinta, wuxuuna dhanka kale u mahad celiyey cid walba oo gacan ka geysatay habsami u socodka hawlaha Gudiga.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran