Dhalinyaradii Kufsiga Ka Geysatay Degmada Galdogob Oo Xukunno Lagu Fuliyey (Sawiro)

Gudigii culimada ahaa ayaa waxaa ay fuliyeen xukunkii lagu ridey koox dhalinyaraa oo dhawaan labo gabdhood ku kufsadey degmada galdogob waxaana munaasabada xukunka lagu fulinayay joogay xeer ilaliyaha guud ee Maamulka Puntland iyo xubno kamid ah Golaha Wasiirada.

Halkan Hoose ka akhri sida xukunka uu u dhacay.

1-Shirwac Jaamac Juunle 10 Sano oo Xarig ah 200 oo Jeedal ah.

2-Yaasir Maahir 8 sano oo Xarig ah iyo 200 oo Jeedal ah,

3-Yaxye Cabdulaahi Awkax 6 Sano oo xarig ah iyo 100 Jeedal ah.

4-Ayaale Wale 7 Sano iyo 100 Jeedal.

5-Cabdirisaaq Xoosh Jabriil 5 Sano oo Xarig 100 jeedal

Waxaa la fuliyay Jeedalka, waxaana fuliyay Ciidanka amaanka Puntland

Waxaa sidoo kale lacago loo xukumay labada Gabdhood ee la kufsaday iyadoona dhalinyarada la xukumay loo gudbiyay xabsiga magaalada Garowe halkaasi oo ay kusoo dhamaysan doonaan xukunka lagu fuliyay iyadoo lagu wareejiyey Cutub kamida Ciidanka Ilaalada Xabsiyada Puntland.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran