Faafaahino Dheeri Ah Ayaa Kasoo Baxaya Madaafiic AMISMOM Iyo Alshabaab Xalay Isku Weedaarsaday Deegaano Hoos Taga Degmada Qoryooeley

Wararka ka imaanaya degmada Qoyleeyey ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa ku waramaya in dagaal culus xalay halkaas uu ku dhexmaray Ciidamo ka tirsan kuwa Amisom iyo dagaalyahaanada Xarakada lshabaab.

Dagaalka ooo xoogiisa ka dhacay deegaanka Jasiir ayaa labada dhinac waxay isku adeegsadeen hubka cul culus ee garbaha tuuro, waxaana lasoo sheegayaa in jiraa khasaarooyin kala duwan oo dagaalka ka dhashay.

Mid ka mid ah madaafiicda leysku adeegsaday ayaa dad goob joogayaal ah waxay warbaahinta us heegeen in y ku dhacay Masaajid ku yaala deegaanka Jasiira, halkaas oo la sheegay in xilliga uu ku dhacaayey madfaca ay ka socotay dhageysiga durus masaajidka laga aqriyo.

Inta la xaqiijiyey sagaal qof ayaa ku dhaawacantay weerarka halka halka uu ku geeriyooday, ilaa hada lama xaqiijin karo Madfaa ku dhacay masaajidka cidda tuurtay maadaama labada dhinaca ay dhaafsadeen madaafiic.

Inta badan deeganada hoos taga degmada Qoryoole ayaa waxa ka dhaca dagaalo kala duwam iyadoo dagaaladaas ay saameyn ku yeeshaan dadka Beeraleyda, waxaa sidoo kale dagaalada ka dhashay halkaasi ay sababaan khasaare.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE