Gudoomiyaha Degmada Afgooye Oo Warqad Dacwad Ah Ka Gudbiyey Xogayaha Degmada (Akhri)

Gudoomiyaha degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelada hoose Cabdnaasir Caalimow ayaa warqad cabasha ah waxa uu ka gudbiyey Xogayaha degmada Cumar Farey.

Warqadan cabashada ah oo ku socotay Gudoomiyaha Gobolka Shabeelada hoose Ibraahim Najax ayaa ka kooban ilaa seddxa Bog, Nuqul ka mid ah dacwadaasi oo soo gaaray Markacadey.com ayaa waxa looga hadlay culeys ba’an oo xogaha degmada uu ku haayo Gudoomiye Cabdinaasir Caalimow.

Cabshooyinka uu gudbiyey Gudoomyaha ayaa waxa uu kaga hadlay arimo badan waxaana ku jira in Guriga Maamulka iyo xumaha qaar laga joojiyey Adeegyadii aasaasiga ahaa sida Korontada iyo Biyaha, waxaana Xogayahaya uu diiday in dayactir lagu sameeyo Hotelka ku yaala Baar Ismaaciil halkaas oo Madaxtooy u ah Maamulka Shariif ahna Guriga Martida.

Dhinaca kale Cumar Farey ayaa waxa lagu eedeeyeyey ku tagri fal awoodeed, isticmaalka Lacago sharci dara ah oo ay iska leedahay degmada iyo soo xaadir la’aan shaqada, isagoo Taleefan ku bixiya amarada liddi ku ah howlaha shaqa sida warqadda Cabshada ah lagu sheegay, waxaa sidoo kale Cumar Farey lagu eedeeyey in uu bixiyey dhulkii danta Guud ee ku yiilat Jaziir iyo Ciidamada Difaaca Cirka ee ku yiilay deegaanka Carbiska.

Halkan hoose ka aqriso Warqada Cabdinaasir Caalimow uu dacwada kaga Gudbiyey Cumar farey oo deegaan ahaan kasoo jeeda Deegaanka Aadan Yabaal kaas oo si sharci dara ah ugu magacaaban Xogayaha Maamulka Degmada.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE