Shir Sanadeedka Madaxda Midowga Afrika Oo Lagu Wado In Uu Ka Qabsoomo Dalka Ethopia

Shir Madaxeedka Midowga Afrika oo ay ka qeyb galayaan Madaxda dalalka Afrika ayaa waxa lagu wadaa in uu qabsoomo maalinta Beri ah.

Shirkan oo lagu marti qaaday qaar ka mid ah Madaxda Beesha Caalamka Ururo Caalami ah ayaa ka fursamaya magaalada Addisababa ee Caasimada dalka Ethopia halkaas oo xarun u ah Ururka Midowga Afrika.

Qaar ka mid ah Madaxda dalalka afrika qaarkood oo uu ku jiro Madaxweyne ku xigeenka Cuba Salvador Mesa ayaa gaaray magaalada uu shirka ka qamsoomi doono, iyadoo sidoo kale Madaxda dhiman maata iyo Beri ay gaari doonaan xarunta Shirka.

Madaxda ka baxsan Afrika ee shirkan lagu marti qaaday ayaa waxa ka mid ah Madaxweynaha Falastiin Maxmauud Cabaas Abuu Maazib iyo Wakiilo ka socda Qaramada Midoobe.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE