Wadooyinka Magaalada Muqdisho Oo Caawa Laga Mamnuucay Mooto Bajaaj iyo Mid Ka Mid Ah Wadooyinka Muqdisho Oo La Xirey

Wadooyinka magaalada Muqdisho ayaa waxaa guud ahaan ka socda howlgallo lagu bartilmaameedsanayo Mootooyinka Sida taksiga loo isticmaalo ee Bajaajta.

Wadooyinka qaar ee magaalada Muqdisho ayaa waxa caawa lagu daadiyey Ciidamo ka amar qaata hey’adaha amniga, waxaana Mootooyinka ay ka qaadayaan Furayaasha, iyadoo Wadayaasha Mootooyinka ay caawa xaalad adag ay soo wajahday.

Ciidamada Amaanka ayaa wadooyinka u istaagay Moota Bajaajta,iyadoo Mootooyin badan caawa ay yaalaan Wadoooyinka qaar sida Isgoyska Taleex, Isgoyska Zoobe iyo Wadooyin kale.

Lama oga sababta ka dambeysa in Ciidamada amaanka ay bilaabaan howlgal ay ku qab qabanayaan Mootooyinka Bajaajta ee si aad ah looga isticmaalo magaalada Muqdisho, waxaana wadooyinka yar yare ee xaafadaha caawa lagu arkayaa Mooyin baxsad ah oo ka cararaya Ciidamada Amaanka.

Dhinaca kale waxa caawa la xirey Wadada Sayidka oo ka mid ah Wadooyinka ugu muhiimsan eek u yaala Magaalada Muqdisho, iyadoo wadadaasi laga mamnuucay dhamaan Gaadiidka dad weynaha, waxaana lagu arkayaa kaliya Gaadiidka Ciidanka ama kuwo dowlada.

Arimahan ayaa kusoo aada iyadoo doorashada Madaxweynaha dalka la qaban doono sideeda Bisha Febraayo ee soo aadan, waxaana xiliga doorashada la steeyey naga xiga muddo tobana maalmaad ah.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE