Madaxweynaha Puntland Oo Dalacsiiyey Saraakiil Ciidan Oo Tawabar Kusoo Qaatay Dalka Ethopia (Sawiro)

Madaxweynaha mamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxa uu dallacsiiyay saraakiil ka tirsan ciidamada daraawiishta  Mamulka Puntland , saraakiishaas oo tababar ciidan oo mudo laba sano ah kusoo qaatay dalka Ethiopia.

Saraakiishan  oo ah lix sarkaal ayaa soo qaatay tababar dhamaystiran oo dhinaca ciidanka ah waxayna, Madaxweynaha mamulka Puntland ayaa shan ka mid ah saraakiishan u dallacsiiyay laba xiddiglayaal halka sarkaalka lixaadna uu Madaxweynuhu u dallacsiiyay saddex xiddigle.

Taliyaha guud ee ciidamada mamulka Puntland General Siciid Maxmaed Xirsi “Siciid Dheere” oo madasha dallacsiinta saraakiishan ciidanka ka hadlay ayaa sheegay in ay usoo dhabar adaygeen tababar adag oo ay soo qaateen oo mudo labo sano ah  uga socday kulliyadda Mojor General Hayllom Araya ee dalka Ehiopia, isla markaana wixii hada ka danbeeya laga sugayo inay dadka iyo dalka ugu shaqeeyaan aqoonta ciidan ee ay soo qaateen.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran