Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb-galaya Shir Madaxeedka Midowga Africa

Madaxweynaha Xasan Sheekh oo ka qeyb-galaya Shir Madaxeedka Midowga Africa.

Adis-Ababa – 30 Janaayo, 2017- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saaka ka ambabaxay magaalada Muqdisho isaga oo ku sii jeeda Magaalada Adis-Abab ee Dalka Ethiopia.

Madaxweynaha iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeyb-galaya shir Madaxeedka Midowga Africa oo maanta ka furmaya Magaalada Adis-Ababa.

Shirka ayaa looga hadlayaa arrimo ay ka mid yihiin, Hiigsiga horumarineed ee Qaarada Africa ee 2063, Doorashada Guddoonka AUC oo ay sannadkan u sharaxan tahay Wasiiradda Arrimaha Dibada ee Kenya Amina Mohamed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud inta uu ku sugan yahay Magaalada Adis-Ababa ayuu kulamo la qaadan doona qaar kamid ah Madaxweynayaasha wadamada Africa ee shirka ka qeyb-galaya.

Dhammaad–
Shador Haji
Agaasimaha Warfaafinta
Madaxtooyada Soomaaliya
E-mail: shadorhaji@presidency.gov.so
www.villasomalia.gov.so

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE