R.Wasaare Cumar Cabdirashiid oo Tacsi u direy Ehellada Taliyihii Ilaalada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha

R.Wasaare Cumar Cabdirashiid oo Tacsi u direy Ehellada Taliyihii Ilaalada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Muqdisho, January 29 2017….Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa tacsi u direy ehellada iyo qaraabadii uu ka baxay Allaha u naxariistee Taliyihii Ciidanka Ilaalada R.Wasaaraha Gaashaanle Nuur Xasan Xakaar oo maanta u geeriyooday dhaawac ka soo gaarey Qaraxii Argagixiso ee dhawaan ka dhacay Hoteelka Dayax. Wuxuna marxuumka ALLE uga baryay in uu jannadiisa Fardowso ka waraabiyo.

Mudane Cumar ayaa sheegay in marxuumku u dhintay dhaawac ay u gaysteen kooxaha arxanka daran ee Alshahaab, isla markaana wuxuu ku sifeeyey marxuumka in mudadii ay wada shaqeynayeen ku sifoobay howlkar iyo daacadnimo.

“Waxaan Alle uga baryaynaa in marxuumka uu ka waraabiyo naxariistiisa Janno. Waxaa dishay gacan ka xaqdaran, isagoo ku jira howlaha Qaranka, waxaan rajeynayaa kuwa ka danbeeya dhibaatada lagu hayo shacabka Soomaaliyeed in Caddaalad la horkeeni doono”.ayuu yiri R.Wasaare Cumar.

_DHAMMAAD__

Ahmed-nur Mohamed
Prime Minister’s Media Office
Mogadishu, Somalia
media.opm@gmail.com
Twitter: @SomaliPM

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open