Dhageyso Wasaaradda Caafimaadka K/Galbeed Oo Codsatay In Loo Gurmado Dadkii Biyaha Sumeysan Ka Cabay Ceelka Deegaanka Masuubiye Ee Ay Ku Dhinteen 32 Qof

Wasaaradda Caafimaadka maamulka K/Galbeed ayaa hay’adaha caafimaadka ka codsatay inay u gurmadaan dadkii ku sumoobey Ceel Biyood ku yaalo deegaanka Masuubiye ee gobolka Bay halkaasoo la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen 32 qof.

Agaasimaha Wasaarada Caafimaadka Maamulka Koonfur Galbeed Isaaq Fanax oo warbaahinta la hadlay ayaa ku baaqay in deegaanka Mashaqadan ka dhacday lala soo gaaro Kaaniinka biyaha Sifeeyo iyo nafaqada ORS si loo daweeyo dadkii biyaha ka cabay Ceelka la sumeeyey.

Maamulka K/Galbeed ayaa ah maamulka kaliya ee dhan walbo ugu liito maamul goboleedyada 5-ta ah e ka dhismay Soomaaliya iyadoo madaxweyne uu ka yahay Shariif Xasan oo aan xataa haysanin shahaado Dugsi Ddhxe/Sare.

 

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran