Faafaahinno Kasoo Baxaya Dhaawac Caawa Degmada Afgooge Loogu Geystay Mas’uul Caan Ah (Sawiro)

Warar kala duwan ayaa waxay kasoo baxayaan weerar caawa lagu dhaawacay Madaxii MCH-ka degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelada hoose Cabdullaahi Ibraahim Abiikar.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Maalmo ka hor MCH-ka la geeyey Mucaawino loogu talagalay in loo qeybyo dadka tabarta yar iyo Haweenka Uurka leh, waxaana mucaawinadaasi ay keentay in Maleeshiyaad ka amar qaata Nin isku sheegay Madaxa Samafalka degmada ay weeraraan halka Mucaawinada lagu haayey.

Madaxa MCH-ka Cabdullaahi Ibraahim Abiikar

Kooxaha ka amar qaata Cabdilaahi Magan Madaxa Samafalka oo tira ahaan la sheegay in ay gaarayeen 11 qof ayaa markii dambe dhacay Mucaawinada iyadoo arintaasi lagu eedeeyey Madaxa MCH-ka in uu wax ka ogaa dhaca, hase haatee uu beeniyey isagoo keenay cadeymaha iyo cidda raashiinka dhacday.

Xubno ka tirsan Maamulka Degmada Afgooye oo ka gaabsaday magacooda ayaa caawa warbaahinta u sheegay in dhaawaca Madaxa MCH-ka Cabdullaahi Ibraahim Abiikar uu la xariiro muranka mucaawinada.

Cabdullaahi Ibraahim Abiikar oo caawa la dhaawacay ayaa Xabadah lagu dhuftay ka heleeleen Feeraha ayaan la ogeyn sida xaaldiisa noqon karto, waxaana Ninkan uu la dhashay Ex-xildhibaanad Muna Ibraahim Abiikar.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran