Gudiga Doorashooyinka Oo Soo Saaray Jadwalka Khudbadaha Musharxiinta Ay Ka Hor Jeedin Doonaan Kulamada Baarlamaanka (Akhri)

Gudiga Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ee afarta sano ee soo socota ayaa maanta waxay soo saareen jadwalka khudbadaha Musharxiinta ee ay ka hor jeedin dooonaan kulamada Xildhibaanada Baarlamaanka.

Jadwalka oo ay ku qoranyihiin ilaa 24 musharax oo iska diiwaan geliyey xarunta Villa Hargeysa ayaa Musharxiinta waxaa loogu kala qorey seddax moolmood oo halkii maalin ay khudbadaha ku qoranyihiin sideed musharax.

Maalinta Khamiista oo bisha febraayo ay ku beegantahay labo ayaa Mushaxiinta ugu horeeya waxay khudbadahooda u jeedin doonaan Xildhibaanada soo xaadirta xarunta Golaha Shacabka, waxaana Maamlmaha Sebtida iyo Axada soo aadan Musharxiinta ay soo dhameystiri doonaan Khudabadooda ay kaga hadlayaan waxqabadkooda hadii lasoo doorto afarta sano ee soo socota.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE