Madaxweyne Nocee ah Ayey Somaliya u Bahantahay Xaaladda Waqtigan?

Asalaamu Alaikum dhamaan umadda Somaliyeed.

Madaxweyne; Burbur dal iyo dowladnimo, dagaal sokeeye, mamul gobaleedyo iyo madaxweyne yaal farabadan , walaalnimo. Wadajir iyo midnimo Somaliyeed burburtay Somaliya waxay u bahantahay

  • madaxweyne Diin leh, Emaan iyo Allaah ka cabsi leh.
  • Madaxweyne Dal jaceyl, dad jaceyl iyo Dowladnimo jaceyl leh.
  • Madaxweyne Somali dhan daacad u ah, cadalad u ah Maya Qabiil,maya  koox,  maya urur iyo maya gobal gaar ah.
  • Madaxweyne Geesi ah Karti, dadnimo iyo ga’aan adag leh oo waxa umadda somali danteda iyo maslaxadeda  ku jirto go’an adag ka qadan karo haddi xataa go’ankas ka careysinayo wadamada dariska, kuwo kale,koox ama urur.
  • Madaxweyne hawl kar ah, firfircoon waxqabad iyo ficil dhab ah la yimaado, madaxweyne ku dadaalo inta awodiisa ah Allaah la ogyahay in uu ogaado xaladda dalka iyo dadka Somali Gees ka gees ka jirto inta uu kari karo.
  • Madaxweyne u nugul, u danqado, u naxa, dhibayso dhibatada dheratay ee  shacabka Somaliyeed heysato dhamaan gaar ahaan Hoyoyinka, caruurta, wayeelka iyo dhalinyarada.
  • Madaxweyne diyaar iyo daacad u ah in uu marwalba wax ka qabto u istago dagalada sokeeye ee qaba’ilada somaliyeed ee dilka, dhaca, burburka iyo barakacyada faraha badan sababo.
  • Madaxweyne dhiso ciidan somaliyeed oo Somali dhan ka koobantahay, Maya mooryan, Maya Jiri, Maya qabqable dagaal cidankiisa,Maya maleshiye beleed,  police, Militari, Nabad sugid, Ciidan tiro iyo tayo leh, gobalada dalka dhan ka yimid, ciidan bill kasta musharkooda helo, hogaan iyo Ciidan lala xisaabtamo wanaaga iyo xumaanta ay sameyaan laguna abaal mariyo.
  • Madaxweyne umadda Somaliyeed u sheega una balanqaado waqtiga ciidamadan shisheeye Amisom dalka ka baxayaan oo ciidamada Somaliyeed  police iyo militari la waregayaan dhamaan amaanka dalka iyo dadka somaliyeed, Fiiro gaar ah Amisom waa in waqti loo qabto, waqtigas Ciidanka Somali waa in uu ku filnado dhaman somaliya (muhiim)
  • Madaxweyne Samir iyo dulqaad badan, u samro una dulqaato waxa siyasiyiinta iyo shacab qaar ka soo gaaro, siyasiyiinta iyo shacabka somali kuli waa wada siyasiyiin dhaleceyn iyo edeyn badan wax jira iyo waxaan jirinba mar walba ku edeeya qofka talada wadanka hayo, siyasiyiinta iyo shacab badan waxay caado iyo dhaqan u layihiin in marwalba la raadiyo xumaanta iyo xanta xun ee hogaanka dalka lana faafiyo wax badan oo jirin.
  • Madaxweyne Wasiirka kowaad iyo Galaha wasiirada ku soo xusha aqoon Diin iyo maadiba, Allaah ka cabsi iyo daacadnimo, Dhaqan iyo akhlaaq wanaag, karti iyo Hawlkarnimo. Maya qof jeclaysi, maya koox jeclaysi, maya urur jeclaysi iyo maya qabyaalad.
  • Madaxweyne nadiif ka ah Musuqmaasuq iyo lunsasho hantida qaran ee umadda Somaliyeed lana dagalamo musuqmasuqa talabo cad oo adagna ka qaado kuwa lagu helo xatooyo hantida qaranka kan ugu koreeya iyo kan ugu hoseeyo shaqalaha dowladda oo ah u shaqeeyaha shacabka somaliyeed.
  • Madaxweyne sameeyo gudi shuura oo latashi marka dhibato ama kala fikir  duwanaan soo kala dhexgalo Madaxweynaha, Golayaasha Aqalka iyo xukumadda kaas  kooban Culimo, Aqoonyahan, Haween, dhalinyaro ka soo kala jeeda dhamaan bulshada iyo gobalada Somaliyeed.
  • Madaxweyne Xusuusan in Xilka iyo darajada Ilahay u doortay masuulna ka yahay umadda somaliyeed  maalinta qiyamana lagula xisaabtamayo waxa uu qabtay, sida u qabtay wanaag iyo xumaan waxa uu qaban waayey sababta u qaban waayey!!!. Allahu Akbar

Gabagabo.

Allaah(SWT) umadda somaliyeed hana waa fajiyo  Madaxweyne Diin iyo Emaan dhab ah leh, Islamnimo iyo camal saalix ah leh,Darajada iyo Xilka madaxweynenimo masuliyadda weyn ee xambarsantahay og xag Ilahay xusuusan, Madaxweyne Diinta, Dalka iyo dadka somaliyeed daacad u ah Amiin, Yaa Rabi Amiin.

Allaah(SWT) umadda Somaliyeed nabad caam ah dhexdooda ha dhigo, Dowladnimao, qarannimo, walaalnimadi, wadajirki iyo midnimadi umadda Somaliyeed Ilahay hanoo soo celiyo Amiin.

Ilahay abaaraha batay Roob iyo barqaaqo hanoogu badalo, Yaa Rabi Amiin Colaada dheratay nabad iyo is jeclaan hanoogu badalo Amiin.

Wabilaahi Tawfiiq.

S_dubow02@hotmail.com

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran