Mas’uul Goordhow Lagu Dhaawacay Degmada Afgooye Ee Gobolka Sh/hoose

Waxaa goordhow degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose dhaawac loogu geystay madaxii xarunta daryeelka Hooyada iyo Caruurta (MCH) ee degmada Afgooye.

Mas’uulka la dhaawacay oo lagu magacaabo Cabdullaahi Ibrahim Abiikar ayaa dhaawaciisa loo qaaday dhanka magaalada Muqdisho si loo baxnaaniyo xaaladiisa caafimaad.

Degmada Afgooye waxaa bilooyinkii ugu dambeeeyey ku soo badanaayey amni darro la xiriirto muran dhanka maamulka degmada ah oo mas’uuliyiinka K/Galbeed ay iska indho tirayaan wax-ka-qabashadiisa.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa
SHARE