Mushrax Maxamed C.llaahi Farmaajo Oo Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Dalka Ku Eedeeyey Inay Dhex Dhexaad Ka Aheyn Doorashada (Video)

Musharax Madaxweyne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada dalka ka jira ku eedeeyey kuwo aan dhex dhexaad ka aheyn doorashada dalka.

Madaxda Maamul Goboleedyada qaarkood ayuu sheegay in ay ka shaqeenayaan sidii markale dib loogu soo dooran lahaa Madaxweynaha afarta sano soo socota Xasan Sheekh Maxamuud oo waqtiga uu ka dhamaaday.

Xildhibaanada Baarlamaanka ee labada aqal ayuu  ugu baaqay inay kasoo dhalaalaan doorkooda ku aadan sidii ay u dooran lahaa Hogaamiyaha qaranka samata bixin kara, maadaama ayuu sheegay ay u dhaarteen gudashada waajbaadka ka saaran dalka iyo dalka.

Musharaxiinta u tartameysa xilka Madaxweynaha ayuu Farmaajo ugu baaqay inay ku kalsoonaadaan Xildhibaanada wax soo dooranaya iyo naftooda oo hankooda ay ka saaran sidii ay taageeri uga heli lahaayeen shisheeye.

Aragtidaada Hoos Ayaad Ku Qori Kartaa

Kaydka Qoraalada

Warar Masawiran

Open